Dhusamareb(INO)-Madaxweynaha lagu doortay magaalada Dhuusa-mareeb Sheikh Max’ed Shaakir ayaa ugu baaqay madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya inay yimaadaan magaaladaasi,si ay u taageeraan maamulkiisa.
Sidoo kale,Sheikh Maxamed Shaakir ayaa shacabka dega gobolada dhexe ka dalbaday inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee lagu dhisay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud,kaasi oo sida uu sheegay ka shaqeyn doona masiirka Shacabka gobolada Hiiraan,Mudug iyo Galgaduud.
Maamulka cusub ee Ahlu suna ku dhistay Dhuusa-mareeb ayaa wax aqoonsi ah ka heysan Dowlada Federaalka iyo beesha caalamka,waxaana marar badan loogu baaqay inay ka qeyb galaan maamulka cusub ee lagu dhisay magaalada Cadaado kaasi oo aqoonsi caalami ah heysta.
Iyadoo taasi ay jirto, ayaa hadana Sheikh Max’ed Shaakir madaxweynaha cusub maamulka Gobolada dhexe lagu doortay Dhuusa-mareeb wuxuu wadaa dadaalo uu ku doonayo sidii u gadi lahaa maamulkiisa.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Dhusameeb