Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii xarunta baarlamaanka.

0
211

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii maanta barqadii ka dhacay xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka dhinaca howlgalada Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in weerar qorsheesan ay ku qaadeen xarunta baarlamaanka.

Xarunta baarlamaanka ayaan ka dhignay goob ciidan, waxaana dagaalyahanadeena ay qaadeen weerar barakeesan, waan soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay marka uu howgalka dhamaadon,” ayuu yiri Abuu Muscab.

Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku dhimmatay weerarka lagu qaaday xarunta baarlamaanka, waxaana ku jira seddax xildhibaan sidda ay lee yihiin wariyaasha tagay goobta.

Kooxda soo weerartay xarunta baarlamaanka ayaa la sheegay in ay isku dayeen in galaan gudhaa balse iska caabin xooggan ayey la kulmeen oo dhammaan waa la laayay.

Idale News Online, Muqdisho.

Aragtidaada ka soo dhiibo weerarka lagu qaaday xarunta baarlamaanka?

Xarakada-Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here