Al-Shabaab oo mar kale weerar ku Qaaday Abu Mansuur Roobow

0
213

Idalenews:-wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar kale maanta ku qaadeen saldhigga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib dagaalkii dhacay subaxnimadii Arbacada ee dib loogu soo rixay Al-Shabaab.

Weerarkan cusub ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey markii Al-Shabaab ay maleeshiyo badan keeneen deegaankaasi, kuwaasi oo la sheegay inay qayb ka yihiin weerarkan.

Dagaalladii dhacay maalintii Arbacada ayaa la sheegay inay ku dhinteen 19 qof oo ka tirsan labada dhinac.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa ka wareystay Wasiirka amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed