Al shabaab Oo Lagu Weeraray Deegaanno Ku yaalla Gobolka Bakool

0
212

Xudur (KON) — Ugu yaraan 6 Dagaalyahan oo kamid ah Kooxda Al shabaab, ayaa lagu dilay Weerar lagu qaaday Deegaanno ku yaalla Duleedka Degmada Xudur, ee xarunta Gobolka Bakool.

Teaser Image Gobolka Bakool: Al shabaab oo lagu weeraray Deegaanno ku yaalla Duleedka Xudur

adan Cabdi, oo ah ku xigeenka dhanka Amniga ee Gudoomiyaha Degmada Xudur ayaa u sheegay KON in Ciidanka Militariga Dowladda Soomaaliya ay Duulaan qorsheysan ku qaadeen Dhowr Tuullo oo ku dhaw Xudur, kuwaasi oo ay ka go’doomin jireen Degmadaasi, oo Bishii Maarso ee 2014 laga saaray.

Wuxuu sheegay in hadda Deegaanadii ay ku weerareen Al shabaab dhamaantooda gacnta Dowladda soo gashay, isagoo intaasi ku daray hadalkiisa inay sii wadayaan Howlgallada noocan ah, ee Kooxda Al shabaab uga saarayaan dhamaan Gobolka Bakool.

Degmada Xudur waxaa hadda ka socda Qorshe Ciidan oo ay wadaan Saraakiisha Militariga DFS & kuwa Ethiopia, iyagoo dejinaya Weerar Wadooyinka xiran lagu furaya, si shacabka Gobolkaasi u helaan Cunta & Alaabaha kale ee Noloshooda ku tiirsan tahay.

Idale News Online – Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here