Kismaayo (INO) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo ay ka socdaan wax aysan Dowladnimada iyo Dastuurkuba Ogolaan karin, wuxuuna Xasan Shiikh ku eedeeyay in dadkii uu Madaxweynaha u ahaa uu u qaado wax Dalka Dembi ku ah.
Axmed Madoobe waa Dambiile wuxuuna Xasan Shiikh Madaxweynaha Dalku raali ka Noqday in dadka uu Madaxda u yahay lagu maamulo Wax aan Sharci aheyn.
Xasan Shiikh oo Shalay Kismaayo tegay ayaa waxaa uu halkaas ku meel mariyey wax lagu sheegay Baarlamaan oo laga hirgeliyey Kismaayo, waxaana Axmed Madoobe uu Odayaal Beeshiisa u badan isugu geeyay halkaas, Goobo aan degmooyin aheyn ayuu ka dhigtay si ay Xubnaha Beeshiisu ugu bataan dadka uu Baarlamaanka ku sheegayo.
Xildhibaano uu ka mid yahay Daahir Amiin Jeesow ayaa Mooshin ka wada Baarlamaanka iyo Kooxda Axmed Madoobe, waxaana ay doonayaan in Baarlamaanka Dalku sharci kasoo saaro.
Idale News Online – Muqdisho