Al-Shabaab oo jaray Isgaarsiinta qeybo ka mid ah deegaanada Jubbooyinka

0
159

Saakow(INO)— Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay jaray isgaarsiinta qeybo ka mid ah Gobolada Jubbooyinka, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha ka dambeeya in Isgaarsiinta deegaanadaas ay hawada ka saaraan.

Deegaano ka tirsan Jubbooyinka ayaa saameyn ku yeeshay isgaarsiin la’aanta, kaddib markii la jaray anteenooyinkii isu kala gudbinayay qadadka Isgaarsiinta.

Magaalada Kismaayo ayaa ka mid aheyd meelaha ay saameynta ku yeelatay isgaarsiinta, maadaama anteenada isgaarsiinta u gudbiso ay soo marto deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal Geelle oo la hadlayay Warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in sababaha Al-Shabaab u jarayaan qadadka Isgaarsiinta Jubbooyinka ay la xiriirto khilaaf dhexdooda ah iyo Hoggaamiyeyaasha Shabaab oo xanuunsanaya sida uu yiri.

Mr Mursal ayaa sheegay in Al-Shabaab maalmihii la soo dhaafay xubno badan oo ka tirsanaa ku xir xireen Bu’aale iyo Jilib, isla markaana uu ka dhex taagan yahay khilaaf dhexdooda.

Warar kale ayaa sheegaya in sababaha loo jaray anteenooyinka isgaarsiinta ay tahay arrimo amni ah, iyadoo dhowaanahan ay jireen howl gallo Ciidamada Kumaandooska iyo kuwa Mareykanka ka fuliyeen deegaano ka tirsan Jubbooyinka.

Al-Shabaab ayaa maamula deegaano badan oo ka tirsan Jubbooyinka, halkaasoo la sheegay inay tahay meelaha ay ku sugan yihiin inta badan Hoggaamiyeyaashooda.