Waxaa lasoo gabagabeeyay shirweynihii Qaran ee geedi socodka siyaasada iyo hiigsiga sanadka 2016 oo muddo shan maalmood socday, kaasoo gabagabadii laga soo saaray War Murtiyeed Qodobo badan ka kooban, oo laga soo aruuriyay ergadii shrweynaha ka qeybgashay.
Waxaa War Murtiyeedka shirka ka hor akhriyay Maxamed Jabriil oo ka mid ah ergadii shirka ka qeybgashay, isagoo ugu horeyn sheegay in shirkani uu ahaa mid hordhac ah oo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay. War Murtiyeedka ayaa sidan u qornaa.
Ergadu waxa ay shirkaan oo lagu qabtay Muqdisho 2-ilaa 6-dii bishan ka doodeen Shan Mowduuc oo kala ah, horumarinta dastuurka, dib-u-eegistiisa, dhameystirkiisa iyo hirgelintiisa oo ah mowduuca koowaad, kan labaad waxa uu ahaa noocyada iyo hanaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ku haboon iyo habka loo qeybsanayo awoodda dalka iyo kheyraadka dalka.
Mowduuca sedexaad waxa uu ahaa dib-u-habeynta dowladda, dowlad wanaagga iyo dhismaha hay’ado dowli ah oo ka soo bixi kara howsha ay dadku u hayaan.
Mowduuca afaraad waxa uu ahaa hanaan dooorasho iyo axsaab siyaasadeed habkii loo dhisi lahaa oo laga dooday, iyadoo mowduuca shanaad uu ahaa ka qeyb galka siyaasadda , la xiriirka dadweynaha. Dib-u-heshiisiinta iyo cadaaladda xilliga kala guurka ah marka la gaaro, iyadoo ujeedada shirka ay ahayd in la horimariyo lana meel mariyo habkii lagu gaari lahaa hanaan dimoqraadi ah oo ay ka qayb qaataan keenista fikirada iyo talooyinka bulshada rayidka ah, quburada, aqoonyahanka, Culumada, qurbo joogta, xildhibaannada baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirka waxaa daah furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhaweeyay ka qeyb galayaasha shirka, ugana mahadceliyay sida ay uga soo jawaabeen baaqiisii ahaa in laga soo wada qeyb galo shirkan, si ay uga qeyb qaataan howshan, waxaana uu ku dhawaaqay in loo baahanyahay in la qabto doorasho qaran marka la gaaro sanadka 2016-ka, loogana fadhiyo xubnaha shirka ka qeyb galay curinta tallooyin gacan ka geysan kara sidii ay dowladdu u hirgelin lahayd nidaamkaasi sanadka 2016-ka.
Waxaa shirka intii uu socday la is tusiyay in talaabooyinka ku qoran dastuurka ay tilmaamayaan inay jiraan talaabooyin lagu gaari karo ujeedada la leeyahay oo ah in doorasho la gaaro.
Shirka intii lagu gudo jiray waxaa la soo xasuustay in hiigsiga cusub ee Soomaaliya qoraalooyinka iyo talooyinkii ku jiray oo ay ka mid ahaayeen in siyaasadda xiriirkeeda la gaarsiiyo dadka, in dastuurka la dhameystiro inta aan la gaarin bisha December ee sanadka 2015-ka iyo in la qabto doorashooyin xor ah marka la gaaro sanadka 2016-ka.
Shirka waxa uu wal wal ka muujiyay in dowladdu ay ka yara gaabisay hirgelinta talaabooyin siyaasadeed oo muhiim ah.
Shirku waxa uu isla gartay in dastuurka ay ku jiraan meelo ama qodobo isku murugsan oo u baahan in dib loo eego oo la saxo.
Shirku waxa uu isla qaatay mabaadii’guud, Mabda’a koowaad ee uu shirku isla qaatay waxa uu yahay
In loo baahanyahay hanaan ay Soomaalidu leedahay , Soomaalidu keentay oo siyaasadeed oo u hogaansan,dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu gaaro dhameystirka barnaamijka Federaalka ah.
In la sameeyo dib-u-habeeyn Dastuur, si loo helo afti dadweyne si dastuurku u noqdo mid xalaal ah
In la helo hanaan Federaal ah oo dadka gaarsiiya dowladnimada, kaas oo midnimada iyo xasiloonida dalka xaqiijiya.
In la helo Doorashooyin xaq ah oo cadaalad ah oo qof waliba uu codkiisa, isagu leeyahay
In dhexda loo xirto dowladnimo wanaag iyo dhismaha Hay’ado dowladeed oo hagaagsan
In la sameeyo barnaamij dib-u-heshiisiineed oo baahsan kaas oo keena isu soo dhawaansho iyo is dhex gal bulsho.
Shanta qaybood ee dastuurku looga doodayay ayaa waxaa laga soo saaray talooyin ay bixiyeen gudiga kuwaasi oo ay ka midyihiin:-
In la sameeyo dhamaan hay’adaha dhameystirka dastuurka qaabilsan muddo 60 maalmood gudaheed .
In la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah ee dastuurka ku qoran muddo 90 maalmood gudaheed.
In la sameeyo dhamaan hay’adaha muhiimka u ah dib-u-eegista iyo hiirgelinta dastuurka muddo 90 maalmood gudaheed.
In dowladdu ay xaqiijiso in gudiyada la magacaabay ay noqdaan kuwa madax banaan sida uu dastuurku tilmaamay oo howshooda u madax banaan.
In la sameeyo hanaan dadweynaha lagu wacyigeliyo, loogana qayb geliyo dib u eegista dastuurka, lana baro barnaamijka federaalk ah.
In dowladdu ay xaqiijiso in dhamaan qaybaha bulshada , sida bulshada rayidka ah iyo maamulada ay ka qayb qaataan howsha dib u eegista dastuurka si uu u noqdo mid dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin.
Qaybta labaad ee shirka oo ku saabsaneyd federaalka iyo wadaaga kheyraadka dalka Waxaa la isku waafaqay, In hanaanka Federaalka ah uu yahay midka dadka Soomaaliyeed u soo dhaweyn kara dowladnimada, waxaana la soo saaray qodobadaan:-
In dowladdu ay dhisto gudiga xuduudaha iyo arrimaha Federaalka ah ee uu farayo dastuurka Soomaaliya ee ah in lagu dhiso muddo 60 maalmood gudaheed.
In unugyada federaalka ah ay ku saleysnaadaan isku filnaansho dhaqaale, ayna noqdaan dad lagu saleeyay habka Juquraafiga ah oo ay ahaadaan dad kala duwan.
In dowladda Soomaaliya ay hogaamiso, ayna bilawdo barnaamij dadweynaha lagu wacyigelinayo
Qodobka Sedexaad ee shirka looga dooday waxa uu ahaa, Habkii loo meel marin lahaa Hanaan siyaasadeed oo leh doorashooyin iyo axsaab siyaasi ah, waxaana la isku afgartay, In Dowladdu ay abuurto Bey’o ama deegaan u diyaar ah in ay ka dhashaan axsaab siyaasadeed oo badan oo ay ku tartamaan talada dalka, waxayna kala ahaayeen sida:-
In dowladdu ay dhisto gudiga doorashooyinka ee madaxa banaan muddo 6-bilood gudaheeda ah
In Xeerka ama sharciga la meelmariyo muddo hal sano ah gudaheed
In dowladda ay hirgeliso barnaamij shacabka lagu barayo arrimaha doorashooyinka oo baahsan
In axsaabta siyaasadeed ay ahaadaan kuwa heer qaran oo aysan ku saleysnaanin qabiil, naceyb ama afkaar xagjirnimo ah iyo IWM.
In golaha shacabka uu meelmariyo sharuuc qeexaysa habka loo maalgelinayo ololayaasha siyaasadeed, islamarkaana loola xisaabtamayo axsaabta.
In beesha caalamku ay dowladda Soomaaliya ku taageerto wixii farsamo dhaqaale ah ama siyaasadeed oo lagu dabaqayo sidii lagu meel marin lahaa hanaankaasi siyaasadeed.
In la isla meel dhigo ama la sii diyaariyo hanaan ka duwan, haddii wax deg deg ah ay yimaadaan oo ay dhici wayso in qof waliba uu codkiisa dhiibto in lagu talagalo oo aysan noqon mid si deg deg ah ku yimaada.
Qaybta afaraad oo looga hadlayay dib-u-habeynta dowladda, waxaa la isku waafaqay In Dowladdu ay ku dadaasho hanaan cad oo dadka u muuqda waxaa ka mid ahaa:-
In la sameeyo gudiga la dagaalanka musuqa sida ku cad dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheed.
In la sameeyo xafiiska ilaalinta hantida qaranka sida ku cad dastuurka qaranka muddo 90 maalmood gudaheed.
In la sameeyo gudiga xaquuqul insaanka Soomaaliya ama xaquuqda Aadanaha Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheeda.
In la sameeyo gudiga shaqaalaha dowladda sida dastuurka ku cad muddo 6-bilood gudaheed.
In la sameeyo keydka qaranka ama keydka dukumintiyada qaranka si uu dib u keydiyo wixii war ah ama macluumaad ah wixii ku saabsan warqadaha dowladda hal sano gudaheed.
Qayta Shanaad waxa ay ka doodeen Siyaasadda in dadka la gaarsiiyo, in shacabka lala hadlo, dib-u-heshiisiin in la sameeyo, lagana shaqeeyo cadaaladda xiliga kala kuurka lagu gudo jiro, waxaana la isku waafaqay in dowladdu ay bilawdo barjaamij dib-u-heshiisiineed oo baahsan kaas oo dalku isu keena, isla markaana dadka isdhexgalkooda ka shaqeeya, waxaana lagu taliyay
In dowladdu ay wada hadal la furto dhamaan cidda ka soo horjeedda
In dowladdu ay raadiso oo ay wada hadal la furto maamul goboleedyada
In dowladdu ay sii waddo wadahadalka ay kula jirto Somaliland
In dowladdu ay ka shaqeyso awoodsiinta odoy dhaqameedyada oo ay kobciso doorkooda nabadeynta xagga bulshada.
In laga mid dhigo hanaanka dowliga lab iyo dhidig, oo ay u sinaadaan hanaanka shaqada ee dowliga ah, kana qayb qaataan dadka laga tirada badan yahay dhamaan hanaanka dowliga ah heer walbo uu yahay.
In dowladdu ay dhisto gudiga runta iyo dib-u-heshiisiinta sida ku cad dastuurka 6-bilood gudaheed.
In dowladdu ay dhisto gudiga dhulka iyo hantada muddo 6 bilood gudaheed.
Ugu dambeyntii waxaa la isku waafaqay in dowladdu ay soo saarto barnaamij howleed baahsan oo xaqiiqda ka turjumaya si loo hirgeliyo talooyinka halkaan ku qoran muddo 30 maalmood gudaheed.
Dhamaad
Idale News Muqdisho