Akhriso: Sababihii ka Danbeeyay Aas-Aaska ururkii Gobnamadoon Ee SYL.

0
215

Marka diiwaanka Halganka Gobanimadoonka Somalia dib loo eego, waxaa hubaal ah in la soo xusuusanayo dhibaataddii iyo rafaadkii laga soo maray sidii loo hannan lahaa Gobanimadda aynu harsanayno oo ku timid dhiigga Geesiyayaasha gumeysi-diidka ee naftooda qaalliga ah u huray sidii uu dalka Somalia u gaari lahaa madax-bannaanidda.

Sannadkii 1884-kii waxay u ahayd Taariikh madow dadka ku nool Qaaradda Afrika, kadib, markii ay Gumeystayaasha Reer Europe kulan ku yeesheen Magaalladda Berlin ee dalka Jarmalka, oo ay ku kala qeybsadeen sidii ay u gumeysan lahaayeen dalalka Qaaradda Afrika.

Ayaan-darrida ku habsatay Ummaddaha ku nool Qaaradaha Afrika, ayaa waxay si gaar ah u saamaysay Ummadda Soomaaliyeed, oo ay Gumeystayaasha u kala qeybiyeen shan qeybood oo kala ah:-

Goballadda Koonfurta Somalia, oo uu Talyaanigu gumeysan jiray.

Goballadda Waqooyiga Somalia oo uu Ingiriisku gumeysan jiray.

Goballadda Reserved Area “Ogaadeeniya oo Xabashidda loo hibeeyey

Goballadda NFD oo Dowladda Kenya loo hibeeyey.

Dalka Jabuuti oo ay Faransiisku gumeysan jireen.

Sababaha ugu waa weyn ee ay Gumeystayaasha reer Galbeedka u kala qeybiyeen dalka Somalia ayaa waxaa la rumeysan tahay inay ugu wacnayd sidii loo kala fogeyn lahaa dadka Soomaalida ee isku diinta, isku dhaqanka, isku dhalashadda iyo isku afka ah, kuwaasi oo cududooda mideysan loo arkay inay khatar ku noqonayso dalalka deriska ee Masiixiiyiinta ah.

ugu danbayntii ururkii SYlwaxeey ku guulayseen in somalia xornimo u soo hoyi iyeen iyagoo arintaasi u galay dadaal dheer iyo dhiig datay ,waxaana ururka syl haatan raggi aas aasay kanool 1nin oo kaliya.

Syl_5

Idale News Online.