Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee maanta lagu doortay Muqdisho

0
362

Muqdisho(INO)- Illaa shan xildhibaan ayaa maanta loo doortay kuraasta Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi, iyadoo mid ka mid ah ay aheyd haween, kadib doorasho ka dhacday xarunta gaadiidka booliska.

Xildhibaanada maanta la doortay ayaa qaarkood ku soo baxay codod aqlabiyad leh, waxaana ay aheyd wajigii labaad ee doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Mid ka mid ah tartanka kursiga aad isha loogu hayay ayaa ahaa kursiga Beesha Samaroon ee Jilibka makaahiil oo ay ku tartamayeen Feysal Cumar Guuleed iyo C/xakiin Cige Guuleed oo kursigan difaacanayay.

Feysal Cumar Guuleed ayaa ku soo baxay 29 cod, isagoo ka adkaaday musharaxii kale ee la tartamayay C/xakiin Cige.

Aamina Cumar Jaamac ayaa iyana ku guuleystay kursiga Beesha Muuse Abokor ee Habar Jeclo, iyadoo heshay 51 cod, halka Faa’iza Axmed Cali oo la tartameysay aysan wax cod ah helin.

Sidoo kale Cilmi Maxamuud Nuur ayaa isna ku soo baxay 45 cod, waxaana uu ka guuleystay Fanaanka caanka ah Farxaan Xidig oo isna helay 6 cod.

Saalax Jaamac Ahmed ayaa isna ku soo baxay kursiga beeshiisa, isagoo helay 50 cod, waxaana uu ahaa kursiga 5aad ee maanta la doortay.

Doorashada xubnaha ka soo jeeda Gobolada waqooyi ayaa wali ka socda xarunta gaadiidka Booliska, waxaana illaa iyo hada la doortay 11 Xildhibaan.

waqoyi8waqoyi7waqoyi6waqoyi5waqoyi4waqoyi3waqoyiwaqoyi7waqoyi1