Baydhabo(INO)–Wasiirka Beeraha Ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa shaaca ka qaaday in 6 xubnood oo ay kamid yihiin Wasiiro ka tirsan maamulkaas iyo ganacsatada loo xil-saaray qaban qaabada aaska Allaha u naxriistee Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Magacyada Gudiga Loo Xilsaarey Aaska Qaran Ayaa Waxay Kala Yihiin:-
-
Madoobe Nuunow Maxamed, Madaxweyniihi Horr KG Soomaaliya
-
C/Fataax Maxamed Ibraahim Geesey Wasiirka Amniga KGSoomaliya
-
Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka Beeraha Dowlada KGSoomaaliya
-
Xasan Xuseen Maxamed Eelaay Wasiirka Dhaqan Celinta & Maleeshiyaadka
-
Isaaq Cali Subag Wasiirka Caafimaadka
-
Aadan Xasan Maxamed “Usama” Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
Wararka kale oo Baydhabo ka imaanaya ayaa waxaa ay sheegayaan in boqolaal kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo ay ku qulqulayeen hayga ama Guriga Allaha u naxriistee Xildhibaan AUN Maxamed Ibraahim Xaabsade uu ku lahaa magaalada Baydhabo.
Qaar kamid ah Ehelada Allaha u naxriistee Xildhibaan Xaabsade ayaa sheegay in Meydka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade qorshuhu ahaan in maanta la geeyo Baydhabo hase yeeshee ay dib u dhigeen maalinta berito ahna lagu aasi doono magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Idale News Online, Baydhabo