Muran iyo is jiid jiid ka dhex taagnaa labada dhinac ayaa ugu dambeyn waxa la isku afgartay qodobadii muranka dhaliyey in la xaliyo iyadoo galabta oo Arbaco ah heshiis lagu kala saxiixday Hoteelka Heliton ee Adis Ababa ku yaalla.
Axmed Madoobe iyo Faarax Shiikh C/qaadir ayaana labada dhinac heshiiska ukala saxiixay iyadoo muddo lix bilood ah uu hogaamin doono maamulka JUBBA Axmed Madoobe.
Hadaba War Murtiyeedkii lasoo saaray iyo qodobadii la isku af gartay Halkaan ka akhriso
1-In maamulkaas uu ka arrimin doono gobalada Jubbooyinka iyo Gedo muddo labo sanno ah.
2-In magaca maamulka uu yahay Maamulka KMG ah ee Jubba
3-In Seddaxda gobal loo sameeyo guddoomiyaal kuwaasoo hos imaanaya Axmed Madoobe.
4-In maamulka dekedda Kismaayo muddo lix bilood uu maamulo maamulka Axmed Madoobe kaddibna dowladda lagu soo wareejiyo.
5- In nabad-galyada laga shaqeeyo.
6-In la qalabeeyo maleeshiyaadka gobalka jooga laguna daro ciidamada dowladda.
7-In la qabto shir dib u heshiisiin loo dhan yahay oo looga hadlaayo mustaqbalka Jubbooyinka iyo Gedo kaasoo ka kala dhacay Kismaayo iyo Muqdisho.
8-In Axmed Madoobe uu soo dhammeestiro maamulka kumeel gaarka, lana dhiso golaha baarlamanka iyo fulinta
9-In Garoonka Kismaayo muddo bil ah uu maamulo maamulka KMG ah ee Jubba, kadibna lagu wareejiyo dowladda.
10-In maamulka Axmed Axmed Madoobe uu u aqoonsado dowladda fedaraalka Soomaaliya lana shaqeey.
Dhaqan gelinta Heshiiskaasi ayaa laga war dhowrayaa iyo sida ay uga hadlaan Somalida dalka iyo dibadiisa ku dhaqan waxaana jiray mucaarado inta shirkaasi socday loo jeedinayey.
Idale News Muqdisho