Agaasimihii isbitaalka Shifa Dr Cismaan Cabdiraxmaan Fiqi ayaa dabley hubeysan waxa ay ku toogteen duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan siinka dheer ee ku yaal dhinaca galbeed ee magaalada Muqdisho.
Dr Cismaan Cabdraxmaan Fiqi ayaa ahaa dhakhtar ka yimid dalka Maraykanka waxana adeer u ahaa agaasimihii hore ee hay’ada nabadsugida Axmed Macalin Fiqi madaxna ka ahaa isbitaal ay gacanta ku hayso dowlada Turkiga kuna yaal magaalada Muqdisho farac ka mid ahna isbitaalka waxa uu ku yaal duleedka magaalada Muqdisho halkaa oo dadka adeeg caafimaad loogu fidiyo.
Waxana dhakhtarka la dilay xilli uu ka soo baxay masjid uu ku tukanayay salaada Taraawiixda.
Illaa hadda lama yaqaan ujeedada ka dambaysay dilka loo geystay dhakhtarkan hase ahaatee maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan dad aan la aqoon.
Shalay ayaa afar ruux dilay suuqa Bakaaraha iyadoo habeen horena lagu diley magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenkii degmada Yaaqshiid, waxana dilalka ay ku soo beegmeen xilli lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.