Dab ayaa waxa uu Xaley ka kacay goob ganacsi oo ku taalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la damiyo. Ilaa hadda lama sheegin waxa sababay dabkaasi oo qabsaday dhisme ganacsi iyadoona aan la ogeyn khasaaraha hantiyeed uu dabka geystay. Gaadiidka dab damiska Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay ku guuleysteen daminta dabka waxaana dad badan oo sidoo kale goobta yimid ay ka qeyb galeen bakhtiijinta dabkaasi. Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa lagu arkayey isagoo meesha dabka ka kacay kusugnaa kaasi oo kusoo baxay dabka kana qeyb qaatay sida loo damin lahaa. Dhowr jeer ayaa waxa dab uu ka kacay Magaalada Muqdisho meelo ka mid ah iyadoo sidaan oo kale Suuqa Bakaaraha Dab uu ka kacay khasaaro kala duwana uu geystay. Idale News Online, Muqdisho.