Ciidamada Amaanka ee dalka Ugandha ayaa heegan sare la geliyey kadib weeraradii bambaano ee Sabtidii ka dhacay dalka Kenya.
Afhayeenka Booliiska Ugandha Fred Enanga ayaa sheegay inay soo saareen digniino ku aadan feejignaanta shacabka ku dhaqan magaalada Kambala, isagoo sheegay in dowlada Ugandha ay soo gaarayaan xog la xariirta weeraro ay Al Shabaab doonayaan inay ka fuliyaan caasimada Ugandha.
Mulkiilayaasha Xarumaha dadka isugu yimaadaan iyo gaadiidka dadweynaha raacaan ayaa lala socodsiiyey inay feejignaadaan isla markaana booliiska lasoo xariiraan hadii ay arkaan wax ay ka shakiyaan.
Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegay in Booliiska Ugandha ay maanta xireen wadaad la sheegay in lagu tuhmay inuu abaabulayey weeraro ka dhaca magaalada Kampla.
Idale News Online,Kampala.