Meydadka saddex ruux oo jirkooda aad u gubtay ayaa saaka laga saaray dhismaha Xarunta UNDP, kadib markii shalay weerar ismiidaamin lagu qaaday xaruntaas, isla markaana gudaha u galeen rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Shabaab, kuwaasoo saacado ka dagaalamaya gudaha xarunta.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in meydadkan la garan waayay, waxaana loo maleynayay inay ahaayeen ilaaladii xarunta, waxaana tirada meydadkan ka dhigay lix ruux, kadib markii isla shalay meydadka kale oo sidan oo kale ahaa isla goobta laga soo saaray.
Tirada dadka ku dhintay weerarkii is qarxinta ayaa gaaraya ilaa 18-ruux oo ay ku jiraan afar shaqaale ajnabi, waxaana wali jirin tirakoob sax ah oo laga haayo weerarkaas.
Waxaa xiran wadada isku xirta KM4 iyo Garoonka diyaaradaha, gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ayaa loo diiday, waxa kaliya maraya gawaarida ciidanka saaran yihiin, ammaanka goobta ayaa aad loo adkeeyay.
Dhismaha Xarunta UNDP oo ah dhisme ballaaran oo albaabo badan leh ayaa la sheegay in xilliga weerarada dhacayeen ay ku sugnaayeen shaqaale fara badan oo isugu jiray ajaaniib iyo Soomaali, iyadoo shaqaalaha badankood laga bixiyay albaabka dambe markii weerarka bilowday