Safiiro Cusub oo la magaacey

0
192

Xukuumada Soomaaliya ayaa meel marisey safiiro dhowr ah oo dowlada Soomaaliya u magacowday wadamo shisheeye. iyadoo qaar safaaradaha ka mid ahna la isku shaandheeyey.

Shirka golaha Wasiirada ee maanta ayaa lagu ansixiyey wakiilada Soomaaliya ee Midowga Yurub, Taliyaaniga, Itobiya iyo dalka Tansaaniya.

Safiirka Soomaaliya wakiilka uga noqon doona Midowga Yurub waxaa loo magacaabey Dr. Cali Saciid Faqi

Safiirka Somalia ee dalka Taliyaaniga waxaa loo magacaabey Jeneraal Muuse Xasan

Safiirka Somalia ee Dalka Itoobiya waxaa loo magacaabey Axmed Cabdisalaam oo horey wasiir uga ahaa xukuumadii Nuur cade

Safiirkii hore ee Itobiya Saciid Yuusuf isna waxaa loo bedelay Safiirka Somalia u joogi doona dalka Tansaaniya.

Safiirka Somalia wakiilka uga noqon doona dalka Malaysia Mr. Nuur Faarax Xirsi

 

Idale News ONline.prime Minister Saacid