Maxaa Ka Jira xogta hoose oo sheegeyso in Gudoomiye Jawaari uu ogolaaday inuu Iscasilo, Yaase ka dambeeyay

0
230

War Deg Deg ah oo goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari lagu qanciyay inuu iscasilo.

Warkaan oo goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mahad Cawad lagu qanciyay iney wadahadal la galaan xildhibaanada ku kacsan.

Gudoomiye Jawaari ayaana mudo dheer kadib ku qancay inuu xilkaas isaga dago, waxaana wararku sheegayaan inuu saxaafada hor imaan doono mudo 48 saac gudahood ah.

Arintan waxaa kaalin weyn ka geystay Gudoomiye ku xigeenka Mahad Cabdalla Cawad kaas oo dhex dhexaad ka noqday khilaafka xukuumadda iyo Jawaari.

Warar kale ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka lagu qanciyay inuu qaato lacag lagu sheegay Malaayiin Dollar.

Warkan waxaa laga soo xigtay xubno xildhibaano ah oo ku dhow Gudomiye Jawaari.

La soco Warkii soo Kordha Insha Allah