Muqdisho:Wasiiro katirsan XDF ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Airporka Magaalada Muqdisho

0
200

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiirka Hawlaha Guud ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Airporka Magaalada Muqdisho shirkan jaraaid oo waxyaabihii looga hadlay waxaa ka mid ahaa in Gabi ahaan ay ka guuraan Airportka Aadan cade Hay’adaha UN, UNSOS, AMISOM, iyo waxii kale ee soo raaca ee dagan Airportka Aadan Cade

Tani waxay qeyb ka tahay Hawlaha Baaxada leh oo ay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ay ku Hormarineyso Garoonka Aadan cade Amarkan wax badan ayaa looga fadhiyey Xukuumada Federaalka Soomaaliya Balse waa Go’aan farxadeed oo ay soo dhoweynayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed