W.Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika

0
169

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kaga qeybgalay kulan Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtay  Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo aas aaso hal suuq oo Afrika ay leedahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Wasiirada arrima dibadeedka Afrika waxa uu ka sheegay in ay  qiimaha weyn ay ugu fadhido Afrika inay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaysa, si saboolnimada iyo colaadda u soo afjaranto, isagoo xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika.

Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika