mowjadaha Siyaasadeed ee ka dhashay kalfadhiga 3-aad ee BF

0
219

10-kii Bishaan waxaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho kalfadhiga 3 aad ee Barlamaanka 10 aad ee Somaaliya! Muuxuuse kaga duwan yahan kuwii ka horeeyey?.

3 Xilligii Kacaankii Oktoobar 1969 – 1990. Waxaa soo maray laba Barlamaan lkn talada iyo go’aanka dalka waxaa lahaa golihii sare ee kacaanka iyo xisbigii hanti-wadaaga.

4-Xilligii ku meel-gaarka 2000 – 2012, waxaa dalka soo maray 3 Barlamaan oo ahaa kuwii ugu tirada badnaa uguna tayada yaraa, mana lahayn go’aano masiiri ah markii laga reebo go’aankii 2010 lagu badbaadiyey Badda Somaliya, waxeyna ahaayeen ku meel-gaar ku shaqeeya Charter.

5-Xilligii Dawlad rasmi ah, Federaal ah, Barlamaani ah, leh Dastuur iyo hay’ado la aqoonsanyahay 2012 – 2017, laba Barlamaan ayaa soo martay oo ah hay’ada ugu sareysa dawladda Somaliya una xirsaaran sharci-dejinta, jaangooyada siyaasada dalka, doorashada, ansixinta iyo ilaalinta laamaha fulinta, ilaalinta dastuurka, midnimada, madax-banaanida iyo khayraatka dalka, waxaana saaran mas’uuliyada ugu sareysa ee laamaha dawlada. Iyaga oo ku nool duruufa adag kuna shaqeeya xaalad kala guur ah.