Muqdisho:Isku socodka waddooyinka oo dib u furmay

0
190

Waxaa dib u furmay isku socodkii qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay arrimo amni u xirnaa.

Magaalada ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay aheyd mid kala xiran oo labo dhinac u kala qeybsaneyd, iyadoo gawaarida isaga kala gooshayay ay ka kala wareegayeen, halka ciidamada ay ka xireen.

Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka ayaa sheegaya in Isgoysyadii laga celinayay saaka furan yihiin, sida Isgoysyada ku yaalla wadada Wadnaha oo ay adkeyd in gaadiid ka soo gudbo ama u gudbo.

Dadka reer Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay qaabka cusub ee loo soo rogay xirnaanshaha waddooyinka, waxaana dadka ay dib u soo xusuusteen qadkii cagaarnaa ee magaalada u kala qeybsaneyd xilligii hoggaamiye kooxeedyada.

Goobihii dadka ay hal gaari ku tagi jireen ayaa labo gaari lagu tagayay, waxaana labada dhinac ee magaalada u kala xirneyd ka kala shaqeynayay baabuur kala duwan oo midba dhan magaalada ku geynayay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha ammaanka oo ku aadan intii maalmood ee ay xirnaayeen, iyo dib u furida waddooyinka, hase ahaatee waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay jiray digniino ku aadan baabuur qaraxyo sida oo magaalada soo galay.