Friday, May 9, 2025
Home Idale Somali News Update G/Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Istaatiistikada Wadanka

G/Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Istaatiistikada Wadanka

0
206

Idalenews. Istaatistikada, laguna qeybiyey shuruucda Dambiyada Jinsiga iyo kan Ururada Aan Dowliga Aheyn, isla markaasna looga hadlay arrimaha Amniga, Dastuurka, Maaliyada iyo waxqabadka dowladda iyo arrimo kale.

Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel fiican marayo, isla markaasna la baacsanayo kooxaha argagaxisada ah oo dhowaan lagala wareegay deegaanka Bariirie oo 3 maleeshiyada Al-Shabaab lagu qabtay. Shacabka ayaa looga degay Xeebaha dalka xilliyada ay Baddu kacsantahay, tanoo dad badan naftooda ku waayey.

Sidoo kale doomanka waxaa la faray in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, iyo in xilliyada Baddu kacsantahay aysan rakaab qaadin.

Wasaarada Maaliyada ayaa ka warbixisay xaalada Maamulka & Maareynta Maaliyada iyo qorshaha mideynta dakhliyada hay’adaha kala duwan oo dhammaan lagu ballamay in khasnada dowladda lagu soo shubo. Wasaarada ayaa wada qorshe lagu ururinayo canshuuraha si loo kordhiyo dakhliga dowladda si adeegyada bulshada loo fuliyo.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa golaha siiyey warbixin kooban oo ka hadleysa horumarka wadatashiga hannaanka dib u eegista dastuurka oo dowlad goboleedyada la gaarsiiyey wadatashiga bulshada, isla markaasna maamulka gobolka iyo degmooyinka Benadir lala sameeyey wadatashiga Maqaamka Muqdisho.