
Idalenews:Natiijooyin hardhac ah oo kasoo baxay doorashadi Arbacadi ka dhacday dalka Angola ayaa muujineysa inuu si xoog leh u hogaaminayo xisbiga talada haya ee MPLA codadka ilaa iyo hadda la tiriyey.
Guddiga qaran ee doorashada ayaa Khamiistii sheegay in xisbiga Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Angola uu ku guuleystay 64 boqolkiiba codadki la dhiibtay.
Natiijadan hordhaca ah oo uu soo bandhigay gudiga Doorashada ayaa durbaba waxaa diiday xisbiyada mucaaradka.
Xisbiga ugu weyn axsaabta mucaaradka ee loo soo gaabiyo UNITA ayaa sheegay in xisaabta ay usoo gudbiyeen hey’adaha gaarka ah ay ka duwantahay tan gudiga doorashada.
Natiijada hordhaca ee rasmiga ah ee xisbiga mucaaradka siineysa boqolkiiba 20.