Wasiirka dastuurka oo raali galin ka bixiyey qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka

0
217

Idalenews-Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh jabriil oo maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ayaa raali galin ka bixiyey qoraal uu soo dhigan dhawaan bartiisa Twitterka.

Wasiirka ayaa sheegay in xubnaha Golaha Shacabka uu ka raali galinayo qoraalkaasi oo uu dhawaan kusoo qoray bartiisa Twitterka, iyada oo xubnaha Golaha Shacabka ay aqbaleen raali galinta wasiirka.

Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka ee jooga kulanka golaha shacabka ayaa soo sheegaya in wasiirka loo fasaxay sidoo kale in uu sii wadan karo howlihiisa shaqo.