Yaa ku guuleystay doorashada Madaxtinimada ee wadanka Rwanda

0
214

August 04 (idale)— Guddiga doorashooyinka Rwanda ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Paul Kagame uu markii saddexaad ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalkaas.

Natiijada doorashadii shalay oo jimco aheyd ka dhacday dalkaas ayaa Madaxweyne Kagame uu helay codod dhan 98%.

Taageerayaasha Madaxweyne Kagame ayaa bilaabay dabaal degyo, ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada codka.

Madaxweyne Kagame ayaa lagu ammaanay inuu dalka ku soo celiyay degenaansho, isla markaana gaarsiiyay horumar dhaqaale.

Laakiin dadka ka soo hor-jeeda siyaasadiisa ee dibad jooga ah ayaa waxay ku eedeeyaan inuu dalka ku xukumay xaalad cabsi iyo cagajugleyn.

Mr Kagame ayaa talada dalka Rwanda hayay 17 sano, sanadkii 2015 ayuu is bedel ku sameeyay dastuurka dalkaas, si uu fursad ugu sii helo inuu xukunka baaqi ku sii ahaado inta laga gaarayo sanadka 2034.