DEG DEG: Alshabaab oo weeraray fariisimo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Mahaday

0
216
Muqdisho(INO)— Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab fariisimo ay ku lahaayeen ciidamada AMISOM deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday.
Rasaas xoog leh ayaa marqura laga maqlay saldhig Milatari oo ay ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada Burundi iyadoo muddo kabadan saacad ay rasaastu dhacaysay.
Dhowaaqa rasaasta la is weydaarsanayay ayaa laga maqlay deegaano fogfog oo ay ka mid tahay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay iskahorimaadkan oo ah kii ugu horeeyay ee lagu qaado ciidamada Burundi tan iyo markii uu Madaxweynaha dalkaas uu amray in dib loogaga soo celiyo ciidamada Burundi dalka Soomaaliya. Lama oga qasaaraha ka dhashay iskahorimaadkan iyadoo ay tahay goor hore.
Faahfaahin dheeraad ah kala soco shabakada IdaleNews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here