Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden oo la dhaliiley ayaa maanta markiii Ugu horeysay Kormeerey Kaamamka ay ku jiraan dadka abaarta iyo biyo la’aanta Saameysay Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Sidoo kale waxa u booqadey Isbitaalka Weyn Ee Baydhabo Oo ay jiifaan dad badan oo la ildarey cudurka shuban biyoodka isla markaana waxa kormeerka ku wehelinayey Wakiilka Gaarka ah Ee QM u qaabilsan arimaha Bini’aadanimada Ee Soomaaliya Mr. Peter de Clercq.
Wakiilka Gaarka ah Ee Qaramada Modoobey Ee u qaabilsan arimaha Bini’aadanimada Ee Soomaaliya Mr. Peter de Clercq Ayaa maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka sheegey in 5 Million oo ruux oo u dhiganta 40% Bulshada Soomaaliya ay haatan u baahan yihiin Garmud deg deg ah.
Madaxweyne Shariif xasan iyo Wefdiga ayaa waxay u kuur galeen xaalada dadka Barakacyaasha ee ku jira Kaamamka Magaalada Baydhabo, kuwaasoo la doonayey La soo gaarsiyo Gaar gaar Bini’aadanimo.
Halkan Ka Daawo Sawiro.