Diyaarad laga leeyahay Turkiga oo ku dul burburtay dalka Kyrgzstan

0
192

Muqdisho (INO) Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhimatay diyaarad xamuulka qaado oo ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha caasimadda dalka Kyrgzstan ee Bishkek,sida ay sheegen saraakiil u hadashay dalkaas.

Dadka ugu badan ee shilka diyaaradan ku dhintay,waxaa lugu sheegay inay ahaayeen kuwo deganaa guryihii ay ku dul dhacday diyaaradda,war ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Kyrgzstan ayaana lugu xaqiijiyay dhimashada afar duuliye iyo lix carruur ah.

Diyaaraddan oo nooceedu uu yahay Boeng 747 ayaa ka timid dalka Hong Kong, waxa ayna u socotay magaalada Beshkek ee caasimadda dalka Kyrgzstan. Lamana oga sababta shilkan keentay.

Muuqalada shilka diyaarada laga soo gudbiyay ayaa muujinayay diyaarada oo ku dul-dhacday dhismayaal ku yaalla deegaan ka baxsan garoonka diyaaradaha ee magaalada Bishkek.

Waxaa la xiray garoonka ugu weyn caasimada Kyrgztan oo lugu magacaabo Manas,halka oo la doonayo diyaarada dhacday inay ku soo degto.