Al-Shabaab oo weerar ka geysatay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose

0
184

Muqdisho (INO) Dagaal-yahanno hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose,sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Dagaal xooggan ayaa dhexmaray kooxda weerarka soo qaaday ee al-Shabaab ka tirsan iyo ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Qoryooley,waxaana la sheegay al-Shabaab inay la wareegen qaybo ka mid ah magaalada.

“Weerarka wuxuu dhacay xalay saqdii dhexe dhowr jiho ayuuna dagaalka ka bilowday,”ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.

War lugu baahiyay warbaahinta taageerta al-Shabaab ayaa lugu sheegay inay la wareegen gacan ku heynta degmada Qoryooley,laakin ma jiro wali war ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee deegaanka gacanta ku hayay.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaan wali la ogaan,waxaana saakay xaaladda lugu sheegay inay degan-tahay,walow qaybo ka mid ah magaalada lugu arkay dagaal-yahanno ka mid ah al-Shabaab,dadka deegaanka sida laga soo xigtay.

Dagaalkan wuxuu qayb ka noqonaya weerarrada ay al-Shabaab ka geystan gobolka,waxaana la sheegay in weerarrada ay soo noq noqdaan sababtooda ah tahay kooxda inay wali maamullan deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.