UPDATE: Xildhibaanada Beesha Daarood Oo Wada Qorshe Ay Musharaxiinta Beeshan Ku Mideynayaan?

0
232

Muqdisho(INO)- Warar hoose oo IdaleNews.com  ka helayso magaalada Muqdisho ayaa daaha ka rogaya in ay jiraan isku dayo ay wadaan Xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Beesha Daarood, taas oo ay ku doonayaan in ay ku mideeyaan codadka ay kala haystaan Musharaxiinta beeshaas, sidaas oo kalena ay musharaxiinta qaarkood tanaasul sameeyaan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ay xubnahan dadaal dheer ugu jiraan sidii ay tanaasulaad uga heli lahaayeen musharaxiinta qaarkood, waxayna si gaar ah diiradda u saarayaan ragga aan heysan taageerada Xildhibaano kale.

Xogtan  ay heshey Shabakada Wararka IdaleNews.com waxay cadeynaysaa in ay xubnahan la kulmeen musharaxiinta qaarkood, gaar ahaana Siciid Cabdullaahi Denni, Cali Xaaji Warsame, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ay kala hadleen sidii awodooda loo mideyn lahaa.

Ilo ku dhaw dhaw dhinacyadan ayaa sheegay in ay soo jeediyeen guddigan in ay xubnahan iska soo dhex-xulaan labo siyaasi oo tartankan gasha, taas oo ay sheegeen in ay soo saari doonaan mid kamid ah, hor-dhigi doonana qorshahooda Xildhibaanada beelaha kale ee Soomaalida.

Qorshahan ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa ka biyo diidsana qaar kamid ah Musharaxiinta oo sheegay in ay Hoolka Doorashada gali doonaan, oo aysan marnaba tanaasulad sameyn doonin, taas oo ay si adag ugu jawaabeen Xildhibaanadu.

Warar hoose ayaa cadeynaya in Ra’iisulwasaaraha hadda xilka haya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Ra’iisulwasaarihii hor ee dawladdii KMG ahayd Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay yihiin labada siyaasi ee ay taageeri doonaan xubnaha Xildhibaanada beeshan wareegyada hor, kii gaarana wareega labaad la caawin doono.

Ugu dambeyntii, Tubtan ayaa ah mid kamid ah xeeladaha siyaasadeed ee waqtigan la qaadayo, waxayna xildhibaanada beeshan tiro ahaan gaarayaan ku dhawaad 78 xubnood, taas oo ka dhigan codad ku filan wareega koowaad.