Warbixin: Caqabadaha sababi kara dib u dhac ku yimaada doorashada madaxweynaha Soomaaliya

0
211

Muqdisho(INO)— Kadib doorashadii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya waxaa aad loo hadal hayaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo isbaheysiyada cusub ee ka socdo gudaha iyo dibada Soomaaliya.

Dad badan ayaa saadaalin ku bixinaya doorashadii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya iyo cidda kusoo bixi karta xilka ugu sareeyso  dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa inay cadeeyaan waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxaa jira caqabado sababi kara in doorashada ay dib u dhacdo.

Caqabadaha ugu waaweyn ayaa ah doorashada guddoonka  xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Caqabadda labaad ayaa ah dhameystirka xildhibaanada baarlamaanka ee golaha shacabka oo ay ka dhiman yihiin inka badan 10 xildhibaan. Sidoo kale waxaa dhiman shan kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka kuwaasi oo matalaya deegaanda Somaliland.

Caqabada kale ee ugu daran ayaa ah xildhibaanadii dib loo celiyay ee shanta xildhibaan gaarayay, kuwaasi oo lagu celiyay shanta maamul goboleed ee ka jira dalka.

Waxaa bisha Janaayo oo la filayo in doorashada madaxweynaha ay dhacdo ka harsan kaliya 15 maalin, waxaana la ogeyn sida looga gudbi karo dhamaan caqabadaha aan soo sheegnay.