Muqdisho(INO)– Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xildhibaanada golaha shacabka ka dalbaday in ay fursada ay haystaan ay shacabka uga faaideeyaan , islamarkaana ay doortaan hoggaan wax tarleh.
Labada gole ee dalka ayuu sheegay in laga rabo in ay doortaan hoggaan waayo arag u ah Siyaasada Soomaaliya , islamarkaana isbadel keenikara.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Abaaro ba’an ay ka jiraan gobolada dalka Soomaaliya ,islamarkaana Beesha Caalamka iyo sidoo kale bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan gurmad loo fidinaayo shacabka.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ahaa Madaxweynihii ka horeyay Xasan Sheekh Maxamuud , waxaana hadda uu doonaya in uu markale uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharaxiinta iyo sidoo kale dadka u dhuun daloola Siyaasada Soomaaliya ayaa xildhibaanada cusub ugu baaqaya in ay doortaan shaqsi dalka ka samatabixin kara xaaladda adag ee uu dalku ku jiro.