Baydhabo(INO)- Ugu yaraan Labo ruux ayaa Malintii Cudarka shiban Biyoodka ugu dhimataa, Gudaha Isbitaalka Guud Ee Magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Iyadoo In ka badan 60 Qof oo la ildaran Cudurka shibin Biyoodka ay La jiifan Isbitaalka .
Shaqaalaha Cafimadaka Isbitaalka Baydhabo Waxa ay la taacaleyaan Bukaanada iyadoo Dawada ay tahay mid Gababsi ah, Dadka Uu soo Ridaneyo Cudurka Ay Tahay Mid sii Kor dheysa Maalinba Maalinta Ka denbeysa.
Dr. Cabdi kaafi Cumar Mahamud oo ah Madaxa Qeebta Gurmadka deg dega ah Ee Isbitaalka Gobolka Bay , Ayaa IdaleNews.com u sharaxay Xaalada uu mareyo.
Dr. Cabdi Kaafi waxaa Uu kale oo ii sheegey in bukaanada Qaba cudurka Shiban Biyoodka Ee Jiifa Isbitalka Isugu jiraan kuwo laga keeney Degmooyinka Iyo tuulooyinka Ku xareereysan Magaalad Baydhabo Ee Gobolka Bay, Taas Oo Uu ii sheegey in ay keentey, in uu isbitaadlka,qaadi waayey Bukaanada islamarkana,Goob bananka ah ee Isbitalaka In ay ka dhisan teendhooyin.
Maadama, Ay sii kordheysa Dadka Uu Ku dhacaayo Cudurka Shibin Biyoodka ,Waxaa Uu Takhtarku uu sheegey in ay qaadeen ,Dhacaano Oo ay u direen Baritaano, si loo soo Xubiyo in cudurkan shibin biyoodaka Uu yahay, Kaloore, tijaabadaas oo Natiijadeeda, dhawaan ay shaacin doonan.
Ugu dambeyntii, Dhaqatiirtu wey daalan yihiin Iyagoo Habeen iyo maalin La tacaalaya, sidii ay u bad baandin lahaayeen Bukaanada, Uu soo Ridaneyo cudurka shiban biyoodka.
Halkan Ka Dhageyso
Wariye Faysal Dhaayow, Idale News Online,Baydhabo