Dhageyso+Sawiro: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka KGS Oo Warmurtiyeed Xasaasi Ah Soo Saarey

0
217

Baydhabo(INO)- Kullan Maanta ay isu yimaaddeen Xildhibaano , Odayaal dhaqmeedyo iyo Siyaasiyiin Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka dhacey magaalada Muqdisho ayaa laga soo gaarey Warmurtiyeed Xasaasi ah.

Halkan Ka Daawo Warmurtiyeedka

War murtiyeedka ayaa lagu sheegey in Loo baahan in Maamulku uu ku baxo ku meelgaarnimada isla  markaana la soo dooro Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenadiis ka dib markii Shariif Xasan uu ku fashilmey Hogaaminta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sido kale Warmurtiyeedka Ayaa Gudoonka Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya looga baaqey in Mudanayaashu isugu yeero, Kullan aan caadi ahayn looga arin saranaayo Masiirka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warmurtiyeedka ayaa looga baaqay Gollaha Odayaasha dhaqan inay in faraha ay kala baxaan Siyaasada isla markaana ay ku ekaadaan Doorkooda Hogaanka dhaqanka.

Mushaax Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa looga baaqay  lacagtan tirada badan Ee uu isticmaalayo Ololaha Doorashada inu Wareejiyo gurmadka Abaaraha Ka jira, isagoona Odayaashii ka hadley kullan ay u soo jeediyeen Hadalo kuluul.

Halkan Ka Dhageyso Warmurtiyeedka

Halkan Ka Dhageyso Codka Xildhibaan MAXAMUUD CABDI CALI

Halkan Ka Dhageyso Codka  Xildhibaan Cismaan Caato

Halkan Ka Dhageyso

Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella,Idale News Online,Muqdisho