Dhageyso: Fiqi ” Dadkii yiri Shariif Xasan Wuu Ka Tanaasuley Kama Hareyno”

0
212

Baydahbo(INO)- Koonfur Galbeed ayaa beenisay in uu tanaasulay Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Shariif  Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in aysan dhici doonin in uu tanaasulo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Waxaa uu sheegay in uu ku yimid Shariif Xasan codka Shacabka kunool degaanada  Koonfur Galbeed ,islamarkaana uu diyaar u yahay in uu qabto xilka Madaxtinimada Soomaaliya. Dowladda Itoobiya ayaa horay ugu cadaadisay madaxweynaha  Koonfur Galbeed Soomaaliya in uu tanaasulo.

Waxaana la sheegaya in Shariif xasan uu diiday arintaasi ,islamarkaana uu wali ku adkeysanayo in uu yahay Musharax.

Idale News Online, Baydhabo