Muqdisho(INO)— Baarlamaanka cusub ee shalay la dhaariyay ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqaan waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Guddoonka labada Aqal iyo Madaxweynaha, kaddib markii Madasha Wada-tashiga Qaran ay ku fashilmeen in waqti rasmi oo doorashada dalka ku dhacdo, taasoo illaa afar jeer ay dib u dhac ku timid.
Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka Cusmaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in waqti dhow uu fariisanayo Baarlamaanka cusub, isla markaana wixii shuruuc la sameynayo, Guddiyo loo xil saarayo qaabka howsha doorashada u socon doonto.
“Waqti dhow ayaa fariisan doonaa, wixii shuruuc aan sameynyo Guddiyo ayaa u xilsaaran qaabka howsha u socon doonto, Guddiga la dhisi doono ayaa doorashada agaasinkeeda yeelan doona”ayuu yiri Cusmaan Cilmi Boqore oo ah ninka ugu da’da weyn ee Baarlamaanka cusub.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii go’aano ee ku aadan doorashada ay u taalo Baarlamaanka, isla markaana wax shaqsi sameeyay aanan howsha lagu wadi karin, wixii go’aan uu gaaro Baarlamaankana lagu howl geli doono sida uu hadalka u dhigay.
Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya oo ka kooban Golaha shacabka iyo Aqalka sare ayaa talada dalka la wareegay, waxaana looga fadhiyaa in waqti kama dambeys u qabto doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka labada aqal, iyadoo doorashada ay salka la geli doono sanadka cusub ee 2017 oo maalmo ay ka dhiman yihiin.