Daawo: Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Ka Naxay Halis jirta..

0
210

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay iney ka sii dareyso xaalada abaar ee ka jirta deegaanada iyo degmooyinka Soomaaliya.

Wuxuu Jawaab uga dhigay Abaarta Guddiga ka kooban Heer Wasiir, kuwaasi oo ujeedkooda dhabta ay tahay sidii abaarta wax uga qaban lahaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dalalka daneeya arimaha Soomaaliya ugu baaqay iney ka garab istaagan sidii abaarta haatan jirta loola tacaali lahaa.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte ayaa ayuu sheegay inuu horkacayo Guddiga Abaarta loo xilsaaray.

Abaarta ka jirta dalka ayaa sababtay dhimasho iyo macluul soo gaartay dad iyo duunyo,waxaana abaarta saameynta ugu badan ay soo gaartay dadka mayiga ku sugan.

Halkan Ka Daawo VIDEO

Idale News Online, Muqdisho