DHAGEYSO: Gudiga xalinta khilaafaadka Doorashada oo war ka soo saaray kuraas ka mida aqalka hoose

0
219

Baydhabo(INO)- Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ayaa sheegay in ay go’aan ka gaarayaan kuraasta qaar ee Maamul Goboleedyada kuwaas oo lagu doortay si xoog iyo ku takri fal ah.

Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka C/risaaq Barre Jaamac, ayaa sheegay in ay jiraan Kiisas dacwooyin fara badan oo hareeyay Xafiiska Guddiga, islamarkaana go’aano ay ka soo saari doonaan Maalinta Sabtida ah.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Kuraasta qaar ee ay u arkaan in awood loo adeegsaday Doorashadooda in ay hakinayaan, arintaasina Guddiga uu awood u leeyahay.

Waxa uu sheegay C/risaaq in labada Guddi ee Doorashada iyo xallinta khilaafaadka ay awood u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan haddii lagu helo kuraasta lagu doortay Musuqa iyo wax isdabamarinta.

Doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado, ayaa sida la sheegay ugu musuq badneen, waana mida keentay in Kiisas fara badan oo Doorashadaasi la xiriirta la gaarsiiyo Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Halkan Ka Dhageyso