Baydhabo(INO)- Dr.C/rashiid Xaaji Xasan Manuur waxa uu Maanta ku shaaciyay Baydhabo in uu u taagan yahay xilka musharaxnimo ee Baarlamaanak Cusub oo doorashadu iminka si toos ah ugu socoto Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Musharaxa Dr. C/rashiid ayaa sheegay in uu aamin sanyahay hadii uu ku guulaysto musharaxnimadiisa xildhibaanimo uu wax wayn ka qaban doono Horumarka soomaaliya oo hesha nabad waarta iyo Cadaalada khibrad waayo aragnimana u leeyahay siyaasada Soomaaliya ee maanta .
Musharax ayaa ka codsaday 51da qof ee beeshiisa inay Codkooda siiyaan si uu wax ugu qabto Bulshadii soo dooratay iyo ummada Soomaaliyeedba waxaana Goob Joog ahaa qaybo ka mid ah taageerayaashiisa oo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin musharaxnimadiisa Xildhibaanimo.
Qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo Goobta ka hadlay ayaa muujiyay in musharax Dr. C/rashiid Xaaji Xasan Manuur qaado karo xilkaan yahayna shaqsi sumcad wanaagsan ku leh bulshada dhexdeeda waxna qaban kara kula dardaarmay dadka wax dooranaya inay codkooda ugu deeqaan.
Ugu dambeyntii, Magaalda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, waxa ka socoda doorashada Aqalja Hoose iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay Musharaxiin badani ku doonayaan inay uga mid noqdaan Baarlamaanak Cusub ee Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Wariye Abshir Maxamed Nuur, Idale News Online, Baydhabo.