Kismaauo(INO)— Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka codsaday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe in aan C/rashiid Xidig aanu isku soo sharaxin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, kaddib markii dhowaan loo doortay Xildhibaan Aqalka Hoose ah.
Mr Cumar C/rashiid oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Axmed Madoobe in hadii Xidig isku soo sharaxo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dhantaali doonto hamiga Beesha Daarood ka leedahay in sanadkan ku guuleystaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
C/rashiid Xidig oo taageero ka helaya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhowaan si aan qarsoodi aheyn u shaaciyay damaciiisa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo caddeeyay inuu diyaar u tahay inuu u tartamo doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka.
Mr Xidig iyo siyaasi kale oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa la sheegayaa inay yihiin dadka uu Shariif Xasan uu doonayo inay isku soo sharaxaan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, si damaciisa Musharaxnimada xilka Madaxweynaha u mira dhalo, hadii midkood uu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Sidoo kale Cumar C/rashiid ayaa raadinaya taageerada Xildhibaanada cusub ee ku guuleystay kuraaska Aqalka Hoose ee Jubbaland.
Hase ahaatee xubnaha ugu badan ee illaa iyo hada ku soo baxay Aqalka hoose ee Jubbaland ayaa lagu tirinayaa dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageerayaashiisa ay yihiin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe ay ka hadleen fulinta qodobadii Imaaraadka Carabta lagu heshiiyay ee dhigayay in la taageero Musharaxa ay sida gaarka ah u wadato Imaaraadka, sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii xubnaha kale ee Aqalka hoose ka harsan ay u noqon lahaayeen kuwo u janjeera dhanka Axmed Madoobe.
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu u tago magaalada Nairobi, halkaasoo uu ka furmayo shir qarsoodi oo saddex geesood ah, kaasoo ay yeelanayaan isaga, Shariif Xasan iyo C/raxmaan C/shakuur iyo Mas’uuliyiin ka socda Imaaraadka Carabta iyo Kenya.
Ugu dambeyntii, Shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay wajiga labaad ee shirkii Abu Dhabi, waxaana lagu bixinayaa dhaqaalihii lagu taageeri lahaa Musharaxiinta ay Imaaraadka Carabta dooneyso inay ku soo baxaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.