Daawo: Sarkaal u shaqeeya Sirdoonka NSA oo xaday xog xasaasi ah

0
185

New York(INO)- Sarkaalkan oo lagu magacaabo Harold T Martin ayaa la sheegay inuu xog xasaasi ah ka xaday hay’ada sirdoonka Maraykanka ee NSA.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu aruursaday xog la xariirta Barnaamijyada sirta ah ee Sirdoonka NSA ku baartaan computerada iyo shabakadaha Internetka.

Waa sarkaalkii labaad oo lagu eedeeyo inuu xog xasaasi ah ka xado hay’ada NSA, waxaana la sheegay in qoraalo sir ah oo uu ka qaatay xarunta NSA laga helay gaarigiisa iyo guriga uu degenaa.

Waxaanse weli la cadeyn inuu xogtan cid kale u gudbiyey, balse sirtan xasaasiga ah ayaa ah mid ay si weyn u raadinayaan sirdoonka dalalka kale.

Mr.Martin ayaa sidoo kale ka shaqeyn jiray shirkada uu u shaqeyn jiray sarkaalkii hore ee Edward Snowden oo isaguna sidan oo kale xog badan uu ka xaday NSA shaaciyey, Snowden ayaa hada baxsad ku jooga dalka Ruushka.