Mandheera(INO)- Wararka ka imanaaya magaalada Mandera ee woqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan lix qof lagu dilay weerar koox dabley ah ay ka geysteen.
Dableyda weerarka geysatay ayaa looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab , iyadoo weerar uu ka dhacay guri ay degnaayeen dad ka soo jeeda gobolada kale ee dalka Kenya oo aan Soomaali ahayn.
Cali Roba oo ah gudoomiyaha Mandhera ayaa u sheegay saxaafadda in ay hubaan in Al-Shabaab ay ka dambeysay weerarkaasi khasaaraha dhaliyey.
Gudoomiyaha Mandhera Cali Roba ayaa intaasi ku daray in dad kale oo gurigaasi degnaa la soo bad baadiyay, kaddib markii laamaha ammaanka ay u gurmadeen.
Weerarada noocaan oo kale ah ururka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ka fuliey gudaha dalka Kenya iyo xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya