Meru(INO)- Gudoomiyaha Gobolka Meru, Peter Munya, ayaa waxaa uu iska fogeeyay in uu isagu u sabab yahay tallaabadii, ay Dowladda Somaliya ku joojisay qaadka ka baxa dalka Kenya.
Danjire Jamaal Maxamed Xasan, Safiirka Somaliya ee Kenya, ayaa Arbacadii sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Meru booqashadii uu ku tagey Somaliland, ay ka dembisay joojinta qaadka, ka dib markii uu ku eedeeyay in Somaliland uu u ballanqaaday, in ay aqoonsi ka heli doonto Kenya, haddii ay Kenya siiso suuq lagu iibiyo qaadka.
Peter Munya oo gelinkii dambe ee Arbacadii la hadlay Warbaahinta, ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay, isagoo booqashadiisii Somaliland ku sheegay, keliya mid uu suuq ugu raadinaayay qaadka.
Peter Munya, ayaa yiri “In suuq loo raadiyo qaadka oo weliba suuq dibadda ah waa shaqo u taala Dowladda Dhexe Kenya, maaha shaqo u taala Dowladda Gobolkan Meru iyo Ismaamul Hoosaadka.”
“Anigu waxaan raadiyay suuq dibadda ah oo qaadka loo iibgeeyo. Markii aan Somaliland tagey waxaan doonaayay in halkaasi suuq qaadka lagu iibiyo aan ka helno. Ujeedadeedu mar walba waxay ahayd in suuq dibadda ah loo helo qaadka aan ku beerno Gobolka Meru.”
“Hadda waxaa soo baxaaya warar sheegaaya inaan aniga u sabab ahaa qaadka ay joojisay Dowladda Somaliya. Sideen sabab ugu noqdaa? Sababtoo ah warka aan helay waxaa weeyaan in Dowladda Somaliya ay qaadka u joojisay sabab ah shirka Igad ee Muqdisho lagu qabanayo. Sidaasi daraadeedna Wasaaadda Arrimaha Gudaha Somaliya aysan rabin qaadka.”
“Waxaa jira warar sheegaya in Al Shabaab ay rabto diyaaradaha Muqdisho ka degaaya inay soo ridaan. Sababtaasna loo joojiyay qaadka diyaaradaha lagu geeyo Muqdisho.”
“Waxba kama jiraan oo sabab uma ihi in qaadka la joojiyo. Waa dacaayad aniga la’iiga been abuuraayo. Hadda waxaa dhacday qaadka la joojiyay in arrinkaasi aniga la’ii saariyo inaan sabab u ahaa booqashadii aan Somaliland ku tagey.”
“Halis ayay hadda nafteedu ku jirtaa, waa dacaayad la’iiga samaynayo. Waa mid aniga la’igu bahdilaayo.”