Dhageyso Arin Naxdin Leh:-7 Haween ah oo lagu Kufsaday Kismaayo

0
196

Kismaayo(INO)- Dhacdooyin laga naxo ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhaceen Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose waxaana saacado is xig xigay ay arimahaasi dhaceen.

Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa lagu Eedeeyey inay 7 Haween ah oo Qaarkood Carruur Leeyihin kufsi ugeysteen Xalay iyadoo qaarkood dhaga adeeg isku dayeyna la dhibaateeyey.

Sargaal katirsan kuwa Dawlada Soomaaliya ee Kusugan Kismaayo ayaa warbaahinta usheegay in Haweeneey isku dayday inay qeyliso tooreey la gal galiyey oo dhaawaceeda ay hadda taallo Cusbitaalka Kismaayo.

Dhinaca kale waxaan weli war laga helin Maamulka Jubbaland oo ay kaga hadlayaan Eeda loo soo jeediyey waxaana dhacadada Haweenka lagu kufsaday la sheegay in Naceyb Qabiilo gaar ah loo sameeyey.