Afgooye(INO)-Sida aan hore ugu ballan qaadnay macaamiisheena ku xiran Wakaalada Warqaad waxa usoo gudbineynaa dad kusugnaa goobaha la dhacay maanta ee ku yaalla Deegaanka Shalaanbood Ee Gobolka Sh/Hoose.
Wararka waxay sheegayaan in ciidanka Dawlada Soomaaliya ay dhac ka sameeyeen Guryo dadka shacabku deggan yihiin iyo Xarumo ganacsi deegaanka Shalaanbood.
Dadka waxay sheegeen in xitaa ay jirtay jir dil ciidanku ku sameeyeen dadkii kusugnaa goobaha la boobay waxaana ciidanka falkaasi sameeyey ay ka yimaadeen Deegaanka Buulo mareere sida qof goob jooge ah sheegay.
Maamulka Gobolka Sh/Hoose Ayaan ka hadlin weli dhaca iyo boobka maanta ciidanka dawlada Soomaaliya ka geysteen deegaanka Shalaanbood Ee Gobolka Sh/Hoose.