C/qaybdiid Oo Maamulka Galmudug ku Eedeeyay Fashil

0
206

Galkacyo(INO)- Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ku eedeeyay Maamulka Galmudug inuu ku fashilmay dhamaan waxyaabihii loo igmaday ee shacabka Galgaduud iyo Mudug ay ka doonayeen Maamulkaasi.

C/qaybdiid ayaa sheegay Maamulka Galmudug inuusan wax ka qaban deeganada Shabaabka ay ka joogaan Gobolka Galgaduud, islamarkaana aysan jirin meel Shabaabka laga saaray, marka laga hadlaayo deeganada ay joogaan.

Wuxuu nasiibdaro ku tilmaamay weli Shabaabka inay maamulayaan oo ay ku sugan yihiin deeganada Galmudug, xilli Bulshada ay doonayaan in laga dulqaado dhibaatada Shabaabka ay ku hayaan dadka shacabka ah. 

“Waxaa aad iyo aad runtii nasiib daro ah, maanta reer Galmudug maamulkii ay dhisteen ee ay ku midoobeen deeganadii la haystay oo nimanka sharwadayaasha ah ay haystaan Arxan lawaayaasha ah inaan laga xureynin, waa bar madoow oo ku taalo Galmudug.”Ayuu yiri Cabdi Qaybdiid

Cabdi Qaybdiid oo hadalkiisa siiwata ayaa sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay weli Maamulka Ahlu Sunna inaan qayb laga siinin Maamulka Galmudug, iyadoo Ahlu Sunna halgan adag u gashay ayuu yiri xureynta deegaano ka mid ah Mudug iyo Galgaduud.

“Waxaan la soconaa walaalaheen Ahlu Sunna Waljameeca oo iyaga deegamadii reer Galmudug qayb ka mid ah jooga weli inaysan Maamulka qayb ka aheyn waxaan ogsoonahay dhibaatadii Ahlu Sunna ay ka galeen Gobolada Mudug iyo Galgaduud xureynteeda, dhulka maanta aan joogno qayb ka mid ah iyaga ayaa xureeyay, waxaan loo baahan yahay reer Galmudug, in meel la iska dhigo Siyaasadaha tirada badan oo Maamulkii lagu midoobo.”

Maamulka C/kariin Xuseen Guuled ayaa noqday mid fadhiid ah, waxaana hogaanka Maamulkaasi lagu eedeeyaa mid isku koobay talada Maamulka, taasina ay tahay sababta horumarka loo gaari la’yahay, iyadoo Madaxweyne Guuled uu ku mashquulay intiisa badan Siyaasadaha Dowladda dhexe.