Axmed Madoobe: ” Madaxda Doorashada ayey ku mashquuleen ammaankana wuu dayacan yahay”

0
441

Kismaayo (INO)-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo goob fagaaro ah oo Magaalada Kismaayo ah kula hadlay shacabka maamulkaasi ayaa sheegay in ammaanka dalka uu dayacan yahay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Madaxda dhammaan ay ku mashquuleen arrimaha Doorashooyinka taasina ay ka faa’ideysteen Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

“ Al Shabaab meelo kala duwan ayey dib u qabsadeen, waayo ammaanka dhan waxaa lagu halleeyay AMISOM oo aan dalka lahayn , maadaama aan dalka loo dhisin Ciidamo u gaar ah” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Axmed Madoobe oo ka hadlayay arrimaha isku dhafka Ciidamada ayaa tibaaxay in qaabka loo qoondeeyay ay wax badan ka qaldan yihiin maadaama qaab qabiil lagu soo xulay taas oo aan wax badan ka duwneen hanaankii ay horay ugu dhisnaayeen Ciidamadu.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar sii horeysay sheegay in Ciidankii Xooga dalka Soomaaliyeed ay ku milmeen Maleeshiyo  beeleedyada.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.