Daawo Sawiro: Danjire Michael Keating iyo Wefdi Uu Hogaaminaayo Oo Soo Gaarey Magaalada Baydhabo

0
639

Baydhabo(INO)-Waxaa maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta gobolka Bay soo gaaray wafdi ballaaran oo uu horkacaayo Amb. Michael Keating, Wakiilka Qaramada Midoobe ee u qaabilsan arrimaha Somaliya.

Wakiilka iyo wafdigiisa oo barqanimadii maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Dr. Shaati Gaduud Ee Magaalada Baydhabo, iyadoona daqiiqado ka dib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada, Halkaasoo uu ka soconaya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Ajanayaasha shirka ayaa maanta si rasmi ah loo guda geli doona, iyadoo laga doodi doono hirgelinta doorashooyinka, amniga iyo saadka doorashada, saamiga haweenka ee golayaasha dowladda, sameynta Guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, dib u eegista dastuurka iyo hanaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta Booliska.

Madasha ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah isugu raacdo waqtiga rasmiga ah ee doorashada dhici doonto, sida doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha.

Sidon kale waxaa dib loo eegi doonaa liiska tirada 135 oday ee horay u soo xulay baarlamaanka, maadaama odayaal qaar la dilay, iyo arrimo kale oo quseeya soo xulida baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa la filayaa in laga soo xulo magaalooyinka maamul goboleedyada, iyadoo guddiyada soo xulaya ay tagi doonaan.

Khudbadihii shalay la jeediyay ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu dalbaday in la dedejiyo waqtiga doorashada, isla markaana is bedel yimaado, isagoo dalbaday in mar walba uu yimaado isu tanaasul.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in bisha barakeysan ee Ramadaan darteed Madaxda ay isu tanaasul sameyso, si arrimaha taagan looga gudbo.

Ugu dambeyntii, Shirkan oo ku qorsheysan 22-24 ayaa la ogeyn in wax iska bedeli karaan iyo in kale, waxaase laga sugayaa in laga soo saaro war murtiyeed, waana shirkii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaamiyeyaasha wada-tashiga qaran.

Halkan Ka Daawo Sawiradda

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay