Madaxweynaha Iyo RW Soomaaliya Oo Si Weyn Looga Soo Dhaweeyey Baydhabo

0
823

Baydhabo(INO)- Wafdi Ballaaran oo Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Gaarey Garoonka Diyaaraha Dr. Shaati Gaduud International Airport Ee Magaalada Baydhabo.

Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Waxaa Ka mid Ahaa Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Iyo Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Wasiiro iyo Xildhibaano Ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati Gaduud Ku Soo Dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Isla markaana waxa weli ay socoto Soo Dhoweyn Loo Sameynaayo Madaxda Qaranka iyo Beesha Caalamka Ka Qeyb Galaysa Shirka Madasha Wadatashigga Qaran Oo Maanta Si Toos Ah Uga Furmi Doono Magaalada Baydhabo.

Fillow sawiro

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay