DF Somalia: “Waa laga hortagaa Weerarada Maleeshiyada Al Shabaab”

0
369

Muqdisho (INO)—Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya, C/qaadir Sheekh Cali Diini oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka hortageen Weeraro ay soo qorsheeyeen Xarakada Al Shabaab.

Wasiir Diini ayaa waxuu xusay in Al Shabaab ay kordhiyaan Weerarada iyo Qaraxyada ay fuliyeen bisha barakeysan ee Ramadaan, waxuuna carabka ku adkeeyay in ay ka hortagayaan.

Wasiirka ayaa ka dalbaday Shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, si buu yiri looga hortago Weerarada qorsheysan ee Al Shabaab.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxuu ku soo aadayaa xili Shalay Weerar xoogan Al Shabaab ay ku qaadeen Xerada Ciidamada Itoobiya ee Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Idale News Online, Muqdisho